Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland oo laashay muddo kororsiga Golaha wakiilada Puntland.
December 10, 2023 - Written by EditorGaroowe:.-Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa gebi ahaanba laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah iyaga oo raacaya Go,aankii xal raadinta khilaafka siyaasadeed ee Puntland ay soo saareen isimada SSC Khaatumo.
Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayey ku laashay mudda kororsiga Baarlamanka Puntland waxaana ay ku baaqday in xildhibaanada 66 dib loo soo xulo.
Xukuumadda Puntland ayaa Sabtidii shalay maxkamadda u gudbisay qoraal ay ku codsanayso in maxkamaddu go’aan sharci ah ka soo saarto talaabada uu Baarlamanka Puntland ku sameystay muddo kororsiga.
Hoos Ka Akhriso Go,aanka ay Maxkamada Dustuuriga Puntland ay ka soo saartay mudo kordhinta ay sameysteen golaha Wakiilada Puntland.
no images were found
—–Dhamaad—-