SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqay Go’aamada masiiriga ee dhinaca Siyaasada iyo Doorashooyinka Puntland.
December 23, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in aysan gebi ahaan aysan ka qeyb gali doonin arrimaha doorashada Puntland ee 2024.
Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada Khaatumo
Go’aanka oo uu warbaahinta u akhriyay Af-hayeenka isimada dhaqanka SSC Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in aysan loo cusbooneysiin doonin 17-ka xildhibaan ee hadda ka tirsan Baarlamanka Puntland.
Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda SSC Khaatumo u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Isimada dhaqanka SSC Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan kuwaas oo ah 2 xubnood.
A/Cawale
Halgan.net