SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqay Go’aamada masiiriga ee dhinaca Siyaasada iyo Doorashooyinka Puntland.

December 23, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in aysan gebi ahaan aysan ka qeyb gali doonin arrimaha doorashada Puntland ee 2024.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu caddeeyay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland laga soo dooran jiray degaannada Khaatumo

Go’aanka oo uu warbaahinta u akhriyay Af-hayeenka isimada dhaqanka SSC Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in aysan loo cusbooneysiin doonin 17-ka xildhibaan ee hadda ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda SSC Khaatumo u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Isimada dhaqanka SSC Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan kuwaas oo ah 2 xubnood.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online