Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda ka taagan doorashada Puntland

December 30, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Nidaamka doorasho ee maamulka Puntland ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyey laga dareemayey kacsaan siyaasadeed oo si weyn ugu dhexeysa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Muranka siyaasadeed ee hareeyey doorashada Puntland ayaa waxaa ugu weyn xulista xildhibaanada gobollada SSC-Khaatumo, oo horay Isimadda iyo maamulka SSC ay u sheegeen inaysan ka qaybgeli doonin doorashadda Puntland. Hase ahaatee waxaa jira siyaasiyiin uu ugu horreeyo madadaxweyne Siciid Deni oo weli ku adkeysanaya in xildhibaanada SSC ay xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee dooranaya madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland sanadka 2024.

Duhurnimadii maanta ayaa qoraal uu bartiisa Facebooga soo dhigay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash wuxuu ku sheegay inuu oggolaaday go’aankii Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo ee 23-kii December, baaqii dalladda musharixiinta ee 27-kii December iyo go’aamadii Isimadda Puntland ee 29-kii December 2024.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa arrimahan waxay waraysi kala yeelatay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, waxayna ugu horeyn weydiisay sida uu u arko go’aamadda Isimadda SSC-Khataumo iyo Puntland iyo weliba madaxweyne ku xigeenka Puntland ka soo baxay.

Sidoo kale weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamacayaa waraysatay Suldaan Cabdiqani Qorane waxayna weydiisay sababta keentay inay soo saaraan go’aanka ay Isimadu soo saareen iyo awoodda ay u yeesheen in Isimadu ku farogeliyeen guddiga xalinta khilaafaadka Puntland.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online