Madaxweynaha JFS oo saxiixay nuqulka rasmiga cutubyada dastuurka ee uu meelmariyay Baarlamaanka FS

March 31, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2024
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online