Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobey

March 31, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Ka dib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee Go’aanka Dowladda Puntland.

Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Dowladda Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
March 2024
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online