Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo goobjoog ka noqday Munaasabad uu xilka wareejinta Agaasimaha Guud.
March 21, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan (MJ).
Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada, waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan oo isagu xilka ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee cusub, waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) , Agaasime-Waaxeedyada Madaxtooyada, Madax-qeybeedyada iyo guud ahaan Shaqaalaha Madaxtooyada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa u rajeeyay Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan (MJ), in Allaah u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, wuxuuna ka rajeeyay in Madaxtooyada iyo guud ahaan shaqada Dowladda uu wax badan kusoo kordhin karo, maadaama uu hore uga mid ahaa xubnaha firfircoon ee Madaxtooyada.
Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan (MJ), ayaa isla maantaba kormeeray xafiisyada ay ka koobantahay Madaxtooyadu, isagoo warbixin ka dhegaystay Agaasime-waaxeedyada, Madax-qeybeedyada iyo Shaqaalaha.
-DHAMMAAD-