Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo goobjoog ka noqday Munaasabad uu xilka wareejinta Agaasimaha Guud.

March 21, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan (MJ).

Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada, waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdirisaaq Cali Cartan oo isagu xilka ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee cusub, waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) , Agaasime-Waaxeedyada Madaxtooyada, Madax-qeybeedyada iyo guud ahaan Shaqaalaha Madaxtooyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa u rajeeyay Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan (MJ), in Allaah u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday, wuxuuna ka rajeeyay in Madaxtooyada iyo guud ahaan shaqada Dowladda uu wax badan kusoo kordhin karo, maadaama uu hore uga mid ahaa xubnaha firfircoon ee Madaxtooyada.

Agaasimaha Guud ee cusub ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan (MJ), ayaa isla maantaba kormeeray xafiisyada ay ka koobantahay Madaxtooyadu, isagoo warbixin ka dhegaystay Agaasime-waaxeedyada, Madax-qeybeedyada iyo Shaqaalaha.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
March 2024
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online