Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda UNICEF
April 24, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF oo ay hogaaminayso Mrs Wafaa Alfadil – Madaxa UNICEF Soomaaliya ayna qayb ka yihiin madaxda xafiiska Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta Barnaamijyada socda ee ay taageerto UNICEF iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa wadashaqaynta UNICEF iyo Dawladda Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.