Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ”Waa naga go’an tahay illaalinta Midnimada Soomaaliyeed.[Video]

April 10, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mira Awaare Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Shacabka Caasimada.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa shacabka reer Puntland, kan Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan farxada leh ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo amni.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay in dowladda Puntland ay u taagan tahay illaalinta Midnimada Soomaaliyeed iyo wixii Soomaali ku heshiisay sidaas darteedna aysan marna aqbalayn wax aan heshiis lagu ahayn.

Munaasabada Ciida waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiil, Isimo, Nabadoono iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Leave a comment

*

Archives
April 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online