Puntland oo ka jawaabtay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.[Dhagayso]
April 5, 2024 - Written by EditorWar-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Puntland ayaa lagu yiri “Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya”
no images were found
Dhinac kale Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Ceydiid oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOa ayaa ka jawaabay go’aanka ay maanta soo saartay dowladda Federalka ee Soomaaliya ee lagu xirayo Qunsuliyadda Ethiopia ee Puntland waxaan waraysiga la yeeshay Falastiin Axmed Imaan. M_M_Deeq Halgan.net