Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo
April 30, 2024 - Written by EditorGarowe:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug u magacaabay Mudane Ukun Cabdicasiis Maxamed.
Sida darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee Gobolka Mudug in la fuliyo dhaqan galinta magacaabidda xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo.
Fulin Wacan
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.