Siyaasi Dr.Cali Xaaji Warsame oo ka waramay wax ay kala hadleen Wafdigii beesha caalamka.[Dhagayso]
February 12, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Siyaasiga reer Puntland, Dr.Cali Xaaji Warsame, oo u warramay Golaha88 ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen ergo ka socotay beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, in ay si cad ugu sheegeen in shacabka reer Puntland aanay oggolayn hannaanka 4.5 ee awoodqeybsiga beelaha Soomaaliyeed.
Cali Xaaji Warsame oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ayaa sheegay in shacabka reer Puntland ay maanta markii ugu horreysay ay yihiin “isku calool”, maamulka madaxweyne Gaas-na uu haysto shacab iyo siyaasiyiin hore oo ku taageersan go’aanka diidmada 4.5.
Waxa uu sheegay in madaxweyne Gaas uu haysto fursad weyn oo uu ku socodsiin karo diidmada go’aankan 4.5 ee beesha caalamku sheegeen inay 100% ay doonayaan inay iibiyaan.
“Beesha Caalamku waa in ay dhageysataa shacabka, ayna la yimaadaan wax u cuntami kara ummada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame oo intaa raaciyay “Haddii ay beesha caalmku ku adkeysato go’aanka dowladda federaalka in Puntland ay u furan tahay qodobka afaraad ee dastuurka Puntland ee dhigaya in aayaheeda ay ka tashato.”
Waxa uu sheegay in Beesha Caalamku ay qirteen inay ku deg degeen taageerida go’aankii dowladda, isla markaana ay kala tegi doonaan Puntland dareen ka duwan kii ay markii hore ku yimaadeen.
Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamku inay saxdo qaladaadkeeda, isla markaana aanay noqon Beesha Lixaad, sida uu ku macneeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Hoos ka Dhagayso Cali Xaaji Warsame oo ka Hadlay Kulankii ay la Qaateen Beesha Caalamka
Source:Golaha88