Masjid jaamicii ugu horreeyey degmada Shibis (Bilaaja carab) oo dib loo dhisayo.[Masawiro]

February 17, 2016 - Written by Editor

shibMuqdisho:-Masjid jaamica Ibbi ee degmada Shibis markii ugu horeysay waxaa la dhisay sanadkii 1933kii, waxaana dib loo dhisay 1971kii. Masjidku wuxuu ku fadhiyaa 900 m2, waxaana markiiba ku tukan kara 1000 qof, wuxuuna leeyahay qayb dumarka loogu talogalay iyo qayb kale oo isugu jirta maktabad, guriga mu’adinka, madaraso, hool muxaadarooyin, xamaamyo iyo meeshii weesada.

Masjidkaan oo ah mid taariikhi ah, kuna yaal bartamaha magaalada, isla markaasna noqon doona masjidka xaafada ugu weyn waxaa lugu qiimeeyey inuu ku kacayo lacag dhan 410 kun dollar, ilaa haddana waxaa lugu deeqay 260 kun dollar oo 120 kun oo ka mid ah uu hal nin bixiyey, waxaana wali dhiman lacag dhan 150 kun Dollar.

Masjidkaan oo ahmiyad weyn u leh magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shibis wuxuu u baahanyahay in si buuxda loogu wada gurmado dhamaystirkiisa gaar ahaan raggii reer Shibis iyo nin walba oo maalin maalmaha ka mid ah degmada Shibis dagay.

Waxaa hawsha dib u dhiska oday ka ah Sheekh Xuseen Xassan Cabdulle oo ka mid ah culimada iyo ducaada gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Shibis, isaga oo aan ku booqanay goobta dhismuhu ka socdo ayaana na siiyey warbixintaan faahfaahsan.

Ilaahay cid walba oo ka qaybgasha dhismaha masjidkaan haka aqbalo, hana uga dhigo sadaqo joogto ah, waxaana lagala xiriiri karaa telefoonada ku qoran boorka dhagan.

no images were found


Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online