Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo xafiiskiisa kula shiray guddiga Abaaraha Puntland(Masawiro)
February 20, 2016 - Written by EditorMadaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20-Feb-2016 xafiiskiisa kulan kula qaatay guddigii abaaraha oo uu magcaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland.
Kulankii uu guddigu ku yeeshay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa maanta waxaa looga hadlay xaaladda abaaraha iyo qaababkii looga hawlgeli lahaa iyadoo laga duulayo hal-kudhiggii Madaxweynaha Dawladda Puntland ee ahaa Puntland Haysku Tashato.
Guddiga abaaraha ayaa waxay soo saareen saddex qodob oo sal looga dhigayo qaabkii loo bilaabi lahaa gurmadka abaaraha waxaana warbaahinta u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde.
- In la sameeyo guddi Farsmo, guddigaas oo hubin dhab ah ku samayn doona sida ay u kala baahi badan yihiin gobollada Puntland ee ay abaartu ka jirto.
- In Roobdoontii la qabto maalinta khamiista ah ee soo socota 25-Feb-2016-ka sidii wasaaradda caddaaladu ay hore ugu dhawaaqday, waxaana arrintaa kawada shaqayndoona wasaaradda Caddaaladda iyo iyo Guddoomiya yaasha Gobollada Puntland.
- Is abaabul loo bandhigay ganacsatada Puntland oo la doonayo ganacsatada Puntland in ay qayb libaax ka qaataan gurmadka abaaraha sidii horeba looga bartay, arrintaana waxaa kawada shaqayn doona Wasaaradda Caddaaladda iyo Rugta Ganacsiga Puntland.
no images were found
Sidoo kale waxyaabihii kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo biya dhaamiskii iyo in lala xisaabtamo hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo weli aan keenin waxay ugu tala galeen abaaraha.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.