Weerar Caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho
February 26, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaana weerarka uu ahaa weerar ismiidaamin ah waxaana xigay dagaaal toos ah oo dhexmaray ilaalada Hotelka iyo kooxda soo weerartay .
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Beerta Nabadda ee Hotelka SYL halkaasoo ah goob lagu nasto oo ay dad badan oo rayid ah ku sugnaayeen .Saraakiisha Ammaanka ee NISA ayaa sheegay inay dileen afar dhalinyaro ah oo rabay in ay xoog ku galaan Hotelka SYL .
Dhaawacyo fara badan ayaa la geeyay Isbitaalka Daaru-shifaa ee magalada Muqdisho kuwaas oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaady Beerta-Nabadda ee Hotelka SYL .
Gaadiidka Gurmadka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho .
Al-Shabaab ayaa goor dhow soo dhigay Barta Twitterka, iyagoo sheegtay inay ka mas’uul yihiin weerarka Hotelka SYL.
Wixii Faahfaahin ah dib baan idinkaga soo gudbin doonaa Inshalaaah.
A/Cawale
Halgan.net