Gaas iyo Guuleed oo Mar kale Sheegay in ay Heshiis ku gaareen Gaalkacyo.

November 12, 2016 - Written by Editor

gaas_guuledGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in madaxda laba Maamul ee Galmudug iyo Puntland ay gaareen Heshiis hordhac ah oo dhiig joojin ah.

Heshiiska la sheegay in ay gaareen labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating .

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiisha ciidnka labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug waxaana la isku raacay in la xoojiyo heshiiskii lagu saxiixay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale lagu balamay in 20 bishan la isigu tago magaalada Kismaayo si loo sii ambaqaado Heshiiska .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa soo dhaweeyey Heshiiska waxayna balan qaadeen in ay labada maamul ka caawin doonaan fulinta Heshiiska lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Qodobada ay ku heshiiyeen Gaas iyo Guuleed ayaa waxaa lagu sheegay

1-In la xakameeyo ciidamada Puntland & Galmudug, lagana shaqeeyo sidii dagaal loo baajin lahaa.
2-In la sameeyo guddi labada dhinac ah.
4- In shirka Kismaayo laga soo saaro 20-ka bishan Ajendaha iyo qaabka wada hadalka Gaalkacyo.
5-In dhamaan dhinacyada oo dhan ay si rasmi u xaqiijiyaan daganaanshaha.

Dadka walaalaha ah ee oodwadaagta ah ma aamini karaan Heshiiska Gaas iyo Guuleed heshiiskoodu waa Shimbarayahoow Heesa waxayna isku marinayaan shacabka muslinka ah ,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online