Maamulka Galmudug oo ugu baaqay Gudiga xalinta Khilaafaadka isaga baxaan Cadaado

November 27, 2016 - Written by Editor

warsaxaafadeedCadaado:-Maamulka Galmudug ayaa eedeyn u soo jeediyay wakiilka gudiga xalinta khilaafaadka ee ku sugan magaalada Cadaado waxaana ay sheegeen in gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka uu ka shaqeynayo arimo dhibaato u horseedi ama iska horkeeni kara shacabka ku dhaqan Cadaado.

Gudiga Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa moodaa in uu labo u kala jabay,waxayna soo saareen qoraalo iska horimaanaya .

Qoraalka Maamulka Galmudug ka soo baxay ayaa u qornaa sidan.

Annagoo ka amba qaadeyna habsami usocodka geedi socodka doorashooyinka iyo in doorashooyinku ay ku dhammaadaan si nabad ah oo xasilloon ayaa Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu dacwad liddi ku ah Madaxa Wakiilada Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee ku sugan Galmudug u gudbiyey Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Kadib markii maamulku uu arkay in xubintaas wakiilka ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku dhaqaaqday arrimo kabaxsan waajibaadkii shaqo, kuwaas oo qas iyo iska hor imaad ku abuuray bulshada, caqabado iyo turaan turooyinna ku ah habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.

Hadaba, annagoo ka duulayna arrimahaas waxaan Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ka codsaney inuu nalagala laabto xubintaas nooguna soo badalo dad aan wada shaqeyn karno.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa, in ay diyaar u tahay in ay iskaashi buuxda layeelaneyso dhammaan Guddiyada loo igmaday doorashooyinka gaar ahaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxayna guddiyadaas ka rajeyneysaa in ay dhawraan kuna shaqeeyaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray.

Dhammaad
Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online