Degmada Xamar Jajab gaar ahaan xaafada Buulada oo qof rayida lagu dilay
March 6, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Buulada lagu dilay alaha u naxariistee nin magaciisa lagu sheegay Nuur Cali Isxaaq.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa gurigiisa ku dhex dishay Nuur Cali Isxaaq waxaana ay ka baxsadeen goobta sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen .
A/Cawale
Halgan.net