Barnaamijka Socdaalka Nabada ee gudiga culimadu ku gaareen Koonfurta Gobolka Sool[ Video]
March 15, 2017 - Written by EditorLaascaanood:-Ka dib colaada daba dheeraatay oo u dhaxaysa laba beelood oo wada dega deegaanada koonfurta Gobolka Sool oo marar kala duwan lagu bixiyey dedaalo nabadeed in lagu damiyo colaad u dhexmartay ayaa waxaa iminka gacanta ku haya dhex dhexaadinta labadaan beelood gudiga Culimaau’diin kuwaas oo u kacay inay soo afjaraan colaadan .Gudigan oo iyagu isku xilqaamay soo afjarista colaadan gaamurtay oo ah hogaanka Culimada waaweyn ee Soomaaliyeed kuwaas oo ay hogaaminayaan Sh C/Naasir Xaaji Axmed iyo Sh Axmed Jaamac Ismaaciil Mire, iyo Culimo kale ayaa waxaanu ku wehelinay socdaal dheer oo ay ku mareen deegaanada Dhumay , Dabataag , Kala baydh ,Dharkayn iyo Xidh Xidh . Culimada ayaa bilihii u danbeeyey waxaa ay ka wadeen deegaanada ay colaadu ka dhacday kulamo wadadad ugu xaadhayeen sidii loo afjari lahaa colaadan daba dheeraatay ayaa waxaa ay culimadani sameeyeen safaro ay ugu magacdareen Socdaaalka kii Nabada ,kaas oo ay ku mareen deegaano badan oo ay ka taagnaaayen bilihii u danbeeyey colaad u dhaxaysa labadan beelood .
Hoos ka Daawo Barnamijka Socdaalka Nabada ee Koonfurta Gobolka Sool
En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood, Halgan.net