Golaha Wasiirada Puntland oo kulan ay yeesheen uga hadlay arimo Muhiima ah.
March 23, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomiyey kulan ay yeesheen maanta xubnaha golaha wasiirada ee Puntland , kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Abaarta iyo la dagaalanka Burcad-Badeeda.
Golaha wasiirada Puntland ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay qaar ka mid ah wasiirada waxayna ka warbixiyeen Amniga ,Abaaraha , la dagaalanka Burcad-Badeeda ,iyo Kalluumeysiga Sharci-daradda ah.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo golihiisa wasiirada ayaa waxaa ay u mahad celiyeen ciidamada Difaaca ee Puntland oo soo furtay markab lagu afduubtay Deegaanka Xaabo ee gobalka Bari.
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net