Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS oo codsi qoraal u diray Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyr
March 25, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu qoraal codsi ah u diray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federeaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre isagoo codsaday in dib ku eegis lagu sameeyo awood qaybsiga Golaha xukuumada uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Kheyre ka hor inta aan golaha xukuumada la hor geynin Golaha Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa qoraalkiisa ku qeexay in uu codsiga uu uga yimid Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka oo gaaraya ilaa 105 Xildhibaan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Gudoonka uu gudbiyay Ra’iisul Wasaare JFS Xassan Cali Kheyre. no images were found no images were found no images were found
A/cawaale
Halgan.net