Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo Baashe Maxamed Faarax u doortay Gudoomiye
August 6, 2017 - Written by EditorHargeysa:-Xildhibaanada golaha wakiilada ee Maamulka Somaliland ayaa maanta kalfadhi ku yeeshay magaalada Hargeysa waxaa ay guddoomiye u doorteen Baashe Maxamed Faarax ka dib tartan uu la galay Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle.
Kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka S/land ayaa waxaa maanta soo xaadiray 77 xildhibaan waxaana ay cod u qaadeen laba musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle iyo Baashe Maxamed Faarax.
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka S/land ayaa timid ka dib markii uu xilka iska casilay gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Cirro oo isaga u tartamaya xilka Madaxweynaha SLand.
Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa uu 39 cod kaga guuleystey Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle oo isaga helay 38 cod. Baarlamaanka Maamulka S/land ayaa la filayaa in ay doortaan todobaadka soo socda Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliland.
M_M Deeq
Halgan.net