Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso oo habeenkii 2aad lagu qabtay Olole loogu gurmanayo Shacabkii lagu laayey Is goyska Zoobe ee Muqdisho.[Masawiro]

October 18, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Culimo’ udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalaa Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa habeenkii 2aad ku qabtay masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso kulan loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Culimo’ udiinka Soomaaliyeed ayaa caawa mar kale ku booriyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan guud ahaan gaar ahaan reer Boosaaso in ay gurmadkooda meesha ka sii wadaan si caawinaad deg deg ah loola gaaro shacabkii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay is goyska Zoobe.

Olalaha gurmada ee ka socday Masjidka rowda ee Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha Gobolka Bari iyo degmada ,Issimo , Nabadoono, ganacsato iyo weliba Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland Cabdulaahi Timacade Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Puntland Maxamuud Beeldaaje iyo masuuliyin kale duwan.

Culimo’ udiinka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celisay in ay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed ay midoobaan gacantana is qabsadaan si ay uga guulaystaan cadawgooda gudaha iyo kan dibada. Kulankii caawa ka dhacay masjidka rowda ee loogu gurmanay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho ayaa culimadu waxay caawa oo ahayd habeenkii 2aad ee ololaha ku ururiyeen lacag fara badan oo aan weli xisaabteeda aan helin balse aan dib idinkaga soo gudbin doono insha Allaahu.

no images were found

Ololaha Gurmadka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanada Puntaldn oo dhan waxaan idaacaddaha , Skuulada, goobaha ganacsiga ,jaamacaddaha , Macaahidda ,Jaamacaddaha ka socda lacag aruurin loo sameeyanayo walaalaheen Soomaaliyeed ee lagu laayey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo tabin doonaa insha Allaah.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online