R/Wasaare Khayre “dhalinyarada haka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab
October 19, 2017 - Written by EditorRa”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran ayaa sheegay in dalka uu galayo xaalad dagaal oo aan caadi ahayn si looga aar goosto maleeshiyada Shabaab oo gabood falka u geysanaya shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in ay qaataan dowrkooda ku aadan dagaalkaasi ka dhanka ah Alshabaab,si looga jawaabo xasuuqii 14kii bishan maleeshiyada Shabaab dad shacab ah ugu geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadli doono arrimahaasi dagaalka, islamarkaana uu isga hoggaamin doono,isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo difaaca dalka iyo dadkooda.
Qarixii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo dhimasho iyo dhawac ay ka soo gaareen boqolaal qof oo shacab aan waxba galabsan ayaa si isku mid ah u saameeyay dareenka shacabka Soomaaliyeed,iyadoo ay dheceen bannaan baxyo ballaaran oo lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka loogana soo horjeeday xasuuqa shabaab ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.
SONNA
Halgan.net