Dowladda Federaalka Soomaaliya” heshiiska lala galay Shirkada DP World waa sharci daro waana ka digeynaa”
March 2, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadlayso heshiiskii maamulka S/land ee Dekeda Berbera ee ay la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamtay heshiiska Shirkadda DP World ay shalay ku dhawaaqday in heshiiska Dekeda Berbera saami dhan 19% ay ku yeelaneyso dowladda Itoobiya, Somaliland ay yeelaneyso 30%, halka shirkada DP World oo ah shirkada dhiseysa Dekeda ay qaadaneysa 51%.
Hoos ka eeg warsaxaafadeedka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Federaalka Soomaaliya
no images were found
A/cawaale
Halgan.net