Wasiirka Warfaafinta ee S/land oo ka hadlay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee Dekkada Berbera.[Video]
March 3, 2018 - Written by EditorHargeysa:-Wasiirka Warfaafinta ee S/land Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ka haday warsaxaafeed ka soo baxay dowladda fedraalka Soomaaliya kaas oo sharci daro ku tilmaamay heshiiskii ay kala saxiixdeen DP WORLD, Itoobiya & S/land,kuna saabsanaa dekkad magaalada Berbera.
Wasiirka Warfaafinta ee S/land C/raxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo ayaa sheegtay in ay aad tahay wax laga xumaado warsaxaafadeed ka ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, oo lagu joojinayo heshiiska ay wada gaareen S/land , DP WORLD iyo dalka Itoobiya laguna qayb sada saamiga dekkad Berbera.
Hoos ka Daawo shirka jar’aad ee Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo
A/cawaale
Halgan.net