Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo qarxiyay ilaa 4 miino oo Al-shabaab ku aastay Wadada isku-xirta Balli-khadar iyo Galgala.[Masawiro]
March 4, 2018 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo muddooyinkan dambe hawlgallo ballaaran oo iskugu jira amni sugid iyo miino baaris ka waday waddooyinka isku xira deegaanada Balikhadar, Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee Buuraha Cal Madow ayaa waxay ku guulaysteen in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala miinooyin gaaraya 4 xabo oo ay ku aaseen ururka Al Shabaab ,miinooyinkaas oo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan ciidamada Puntland.
Dhanka kale, intii hawlgalladani socdeen waxay ciidanka PSF kulamo wacyi gelin ah la yeesheen dadka deegaanadaas, waxay na ciidamadu dadka deegaanka ku dhiirrigeliyeen la dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo gacan siinta ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira cadowga ku soo duulay dhulkooda.
no images were found
Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta ay bulshada ku xiriirto ayaa Taliska Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ku sheegeeb in ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net