Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo la shaaciyey (Akhriso)
March 25, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha baarlamaanka DFS C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 31-Maarso.
Ajandaha kulanka ayuu waxaa uu ku sheegay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey in uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka DFS C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ugu baaqay dhamaan xubnaha Golaha Shacabka in maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-keeda 2018, si soo xaadiraan kalfadhiga 3aad ee golaha shacabka s ay u gutaan waajibkooda Dastuuriga ah .
no images were found
A/Cawale
Halgan.net