Shirka Wada-tashiga DFS iyo Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS oo Maalintii Labaad Ka Socda Garoowe.
May 6, 2019 - Written by EditorShirka oo soconaayey maanta iyo shalay, ayna Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS yeelanayeen kulamo muhiima oo ay kaga wadahadlayeen wada-tashi midaysan oo lagaga arrinsanayey sidii dalka loo hanan lahaa Amnigiisaa, horumarkiisa, khayraadkiisa iyo haybaddiisii taariikhiga ahayd.
Puntland sidii taariikhda u ahayd shirkani waa mid ay ku doonayso isu soo dhowaanshaha dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kastay-joogaanba, waxaana uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ku hawlan yahay, dedaalna ugu jiraa in shirkani wada-tashiga ah ka duwanaado ku wii hore ee Madaxda Soomaaliyeed yeelanjireen, ayna ka soo baxaan maxsuul wax ku ool ah oo ummadda Soomaaliyeed oo dhammi ku wada-qancaan.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND