Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Amniga
September 20, 2019 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.
Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada dagaal ee dalka ka socda iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan-qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, guulna looga gaaro dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.
Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa khudbaddii uu shirka ka jeediyey ku sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka qalabka sida labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rajo-wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.
Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada qaranka, arrintaas oo fududeysay in deegaanno badan laga xoreeyo argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol bulsho oo dhammeytiran.
—DHAMMAAD—-