Ciidanka PSF oo howlgal ka fuliyey magaalada Boosaaso
May 9, 2020 - Written by EditorCiidanka Amniga Puntland (PSF) waxay saaka (May 09, 2020) ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxaha cadowga ah,hawlgalkaas oo ay ciidanka PSF kaga hortagayeen qaraxyo iyo dilal ay cadowgu ku doonayeen in ay ka geystaan magaalada Bosaso.
Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.
Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.
Ciidanka PSF waxay uga mahad-celinayaan shacabka reer Puntland siday ciidamadooda amniga u garab taagan yihiin, soo wac haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah telefoonadan 477/388.
Halgan.net
Boosaaso