Madaxweyne ku xigeenka Puntland tababar usoo xiray in ka badan 300 askari
September 2, 2023 - Written by EditorGaalkacyo:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar usoo xiray in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo dhameystay tababar 3Bilood iyo 15Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in aqoonta ay barteen ugu faa’ideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.
Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda.
Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliska Booliska Puntland, Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan Degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo.
—-DHAMMAAD—