Mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Galmudug oo kormeeray deegaan laga xoreeyay Al Shabaab
September 11, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo maanta laga xoreeyey kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab oo muddo badan bulshada ku dhibaateyneysay deegaanadaas.
Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyay Ciidamada deegaanka iyo kuwa DFS ee cadowga ka xoreeyey deegaanno badan oo dhaca Bariga ee deegaanada Galgaduud,
Masuuliinta booqaday deegaanadaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in degmada Ceel-garas iyo ceel lahelay oo laga xoreeyey kooxda Al Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net