Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo goor dhow gaadhay Magaaladda Dhuusamareeb
September 21, 2023 - Written by EditorDhuusamareeb:-Wafdi heer sare ah oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay wehliyaan xildhibaanno labada gole ka tirsan ayaa goor dhow gaadhay Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.