Madaxweynahii hore ee DFS Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta gaaray Garoowe
March 22, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynahii hore ee DFS Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland.
Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano, iyo bulashada Rayidka.
Ujeedka safarka ee Madaxweynaha hore ee DFS ayaa waxaa lagu sheegay in uu ka qeyb gali doono shirwadatashi oo looga hadli doona arimaha Dastuurka DFS kaas oo ka dhici dooona magaalada Garoowe.
Magaalada Garoowe ayaa sidoo kale waxaa shalay gaaray magaalada Garoowe Madaxweynihii hore ee DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey Puntland.
A/Cawale
Halgan.net