Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiim Xaaji Maxamud Fiqi oo gaaray Garbahaarrey
December 15, 2012 - Written byGedo:-Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo waxaa halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidan oo ka tirsan DFS .
Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFS waxaana socdaalkooda lagu sheegay in ay u kuurgalayo xaalada magaalada Garbahaarrey iyo cabashada saraakiisha ciidanka DFS ee ku sugan Gedo o sheegay in taageero aysan ka helin madaxada dowlada Soomaaliya
Wafdiga Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi ayaa waxay haatan kulamo kula leeyihiin Xarunta WFP ee Degmada Garbahaarey Mas’uuliyiin maamulka gobolka, kan degmada iyo Ururka Ahlusuna ee gacanta ku haya magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.
Ciidamada DFS oo taageero ka helaya ciidanka Itoobiya ayaa Ururka AlShabaab kala wareegay Degmooyinka Garbahaarey, Luuq, Beledxaawo iyo Ceelwaaq waxaana ay ciidamada Al-Shabaab wili gacanta ku hayaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobalka Gedo.
M_M Deeq
Halgan.net