Culumo dowro ka bilaabay Masjidka Nuur ee magaalada Jigjiga
December 25, 2012 - Written byJigjiga:-Culimada kala,ah Sheekh Axmed Cabdi samed iyo Sh.Xassan Maxamed Ibraahim (Abuu Xassaan) ayaa safar dacwo ku tegay isbuucan magaalada Jigjiga waxayna ka bilaabeen dawro cinwaankeedu yahay (fududeeya hana adkaynina) dawradaan ayaa ka bilaabatay Masaajidka Nuur ee magaalad jigjiga waxaana soo wada jeediyay 2-da sheekh muxaadaraad.
Sh Axmed Cabdisamad iyo Sh.Xassan Maxamed Ibraahim Abu Xassan ayaa muxaadaraadkoodu ay uga hadleen siday diinta Islaamku Ahmiyada u siisay isku dhimrinta iyo adaygla.aanta, Shiikh Axmed Cabdi samad ayaa qaatay qaybta hore ee muxaadarada waxaan markii uu dhamaayey ayaa qaybtuii 2aad ee muxaadarada waxaa sii dhamaystiray Sh Abu Xassan,
Nadwadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan oo ka tirsan bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa xalay xilidambe la soo gabagabeeyey iyada oo dadkii ka soo qayb galay ay jeclaayeen in ay culimadu sii wadaan muxaadaraadka.
Nadwadaan oo socondoonta laba habeen ayaa waxaa xalay la galay qabtii hore iyada oo qaybta labaadna loo balansan yahay habeeka isniinta ah ayna ka dhici doonto isla Masaajidka Nuur
Dhanka kale waxaa ka socota magaalooyinka dawlada deegaanka soomaali wacyigalin balaadhan oo ay ka wadaan culimada ku nool gobalka iyo kuwa ku soo noqday.
Ha,yda Al-Sunna
Jigjiga