Dab xalay ka kacay meel u dhow Masjidka Al-firdaws ee magaalada Nairobi
March 4, 2013 - Written byNairobi:Waxaa xalay markii saacadu ay ahayd 4: habeeno uu dab ka kacay meel u dhow Masjidka Al-firdaws oo ku yaal Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Xaafada Islii ayaa ah xaafada ay degan yihiin dadka Soomaaliyeed kuna haystaan ganacsi kale duwan. Ilaa hadda wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ilmo yar uu wax ku noq day wallow aan ilaa hadda la aqoon khasaaraha kale ee hanti yeed ee ka dhashay dabka xalay. Dabka markii uu dhacay ayaa waxaa goob ta soo gaaray ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi iyo kooxa dabdamiska iyagoo ku guulaystay in ay damiyaan dabka.
no images were found
Dhinac kale ayaa waxaa dalka Kenya ka socda doorashooyin waxaan ay dadka Soomaaliyeed ka cabsi qabaan in shaqaaqooyin siyaasadeed ay dhacaan dhibna ay ka soo gaarto iyaga iyo ganacsigooda.
Halgan.net