Ciidamo ka tirsan DFS oo gadoodsameeyey soona buuxiyey magaalada Baydhabo
March 12, 2013 - Written byBaydhabo:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS oo ka gadoodsan kana cabanaya Mushaar la,aan ay maanta ka soo baxeen furimo badan oo ka tirsan gobalka Bay ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay la xalin waayey in la siiyo Mushaaraadkoodii
Ciidamadan Gadoodsan oo wata gawaari tikniko ah ayaa soo buuxdhaafiyey gudaha magaalada Baydhabo waxayna ciidmadan ka kala yimadeen degmooyin Qansaxdheere, Berdaale iyo deegaanka Goof-gaduud.
Maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha ciidanka DFS ayaa ku mashquulsan sidii ay u xalin lahaayeen ciidamada Gadoodsan ee saaka soo buuxdhaafiyey gudaha magaalada Baydhabo ,Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole ayaa xaqiijiyey in ciidamo gadoodsan ay jiraan wuxuuna sheegay in amar lagu siiyey ciidamada in ay dib ugu laabtaan furimihii ay ka soo baxeen.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa ka codsaday ciidamada DFS ee ka cabanaya Mushaarla,aanta in ay isigu tagaan deegaanka Buukaay wuxuuna sheegay in la xalin doono mushkiladooda.
Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa dhowr goor tagay magaalada Baydhabo isaga iyo wasiirka arimaha gudaha waxayna ka sameeyeen maamul cusub Degmada iyo Gobalka Bay xili aysan wili bixin mudo ku dhow 7bilood mushaarada ciidamaa DFS ee ku sugan gobalada Bay iyo Bakool
A/Cawale
Halgan.net