Kulan looga hadlayey dilka hal-doorka umadda Soomaaliyeed oo Minneapolis lagu qabtay
March 19, 2013 - Written byMinneapolis:-Kulan looga hadlayey dilka hal-doorka umadda Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaana kulanka ka soo qeyb galay culumada iyo Imaamyada Masaajida magaalada Minneapolis ee cariga dalka Mareykanka.
Kulanka ayaa dadkii ka hadlay waxay ka hadleen dilalka qorsheysan iyo dagaalka aan dhamaadka lahayn ee ka socda dalkeena iyo wax uu xalka yahay waxaana si gaara kulanka looga hadlay dilka culumada oo uu u danbeeyey dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax allaha u naxariistee.
Kualnka culumada iyo Aqoonyahanada ka qeyb galay waxaaa ka mid ahaa
1- Sh Cabdirisaaq Sancaani oo ka hadlay Asalka Firqooyinka waxaa si cilmiysan u qeexay
2- Sh Abuu Fadli oo ka hadlay Taariikhdii Ururka Al Shabaab
3-Sh.Axmed Taajir oo ka hadlay Shanta Ugu Muhiimsan Nolosha .
4-Sh Xasan Jaamici oo ka hadlay Xadgudubka Diinta
5-Sh C/Risaq Xaashi oo ka hadlay Doorka Culumadda
6-Sh .C/Qani Qardaawi oo ka hadlay Nabada Sida Islaamku U Qiimeeyay iyo halka Mushkilada ka heysato Soomaalida
7-Dr.Mohamed oo ka hadlay cudurrada dhaqa maskaxda & qaadashada fahamka qaloocan .
Halgan.net
Minneapolis
Som Tv