Qarax ka dhacay Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya
March 19, 2013 - Written byMandheera:-Wararka goordhow naga soo degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka dowlada Kenya uu ka soo gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac ka dib markii qarax miino lagu weeraray gudaha Degmaa Mandheera.
Wariye Madax banaan oo ku sugan Degmada Mandheera ayaa u sheegay Halgan.net in uu arkay ilaa labo askari oo dhintay iyo qaar kale oo dhaawac ah oo la daadgureynayo.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo faro badan oo ka tirsan ciidanka Booliska Kenya waxaaana ay baaritaano iyo howlgalo ka bilaabeen Degmada Mandheera.
Taliyaha ciidanka booliska gobolka Waqooyi-bari Kenya Charlton Mureithi ayaa u xaqiijiyey warbaahinta ka howgasha gudaha dalka Kenya in uu qarax dhacay ayna jiraan khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidanka dalka Kenya .
Cabdi Yare
Halgan.net