Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda ee DFS Axmed Macallin Fiqi oo xilka iska Casilay
March 25, 2013 - Written byMuqdisho:-Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda DFS Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inuu xilka is-casilay mar uu maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho wuxuuna sheegay in is casilaadiisa uu u gudbiyey Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ,Mr Fiqi ayaan sheegin sababaha uu xilka isaga casilay.
Warar hoos oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon uu go,aan ku gaaray in uu xilka ka xayuubiyo Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda DFS Axmed Macallin Fiqi iyo taliyaha ciidanka Nabad sugida ee gobalka Banaadir ka dib markii dad maxaabiis ah oo u xirnaa DFS lagu arkay wadooyinka Muqdisho iyaga oo la dilay .
Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda DFS Axmed Macallin Fiqi ayaa waxaa uu qabtay xilka hay’adda nabad-sugidda 24, May 2011 waxaana xilka u magacaabay madaxweynihii hore ee DFS Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Agaasimaha hay’ada nabad sugida DFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in intii uu hayey hay’adda nabad-sugidda DFS uu wax badan ka qabtay nabadgalyada dalka wuxuuna sheegay in uu la shaqeyn doono cid kasta oo xilka loo soo magacaabo.
A/Cawale
Halgan.net