Ninkii ku guursan lahaa nin kalaa Qaba ! W/Q Sheekh C/laahi Baashe

July 1, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Hargeysa:- Habar gaalaad oo reer galbeed ah ayaa siminaar u qabatay gabdho soomaaliyeed, siminaarku waxa uu ku saabsanaa xuquuqda dumarka ka maqan sida ay sheegaan iyo qaabkii loo soo dhicin lahaa waxay aad ugala hadashay oo aad isugu dayday in ay ku qanciso in xuquuq badan oo gabdhaha soomaaliyeed lahaayeen ay ka maqantahay oo laga duudsiyay.

Waxay aad ugu guubaabisay in fadhiga laga kaco iyada oo tusaale u soo qaadanaysay arimahan soo socda oo had iyo jeer hay,adaha reer galbeedka ee ka hawl gala dalka ay ku celceliyaan carrabkana ku adkeeyaan.
1– Dumarkii guryaha ayay ku xabbisan yihiin oo dibad looma ogola
2– Siyaasadii waa lagu cidhiidhshay ,sidaa daraadeed waa in kooto loo jaraa
3- Quruxdoodii waa la qariyay
4- Jidhkoodii waa la jarjaray( waa la gudaa)
5- Tacliin looma ogola
Ka dib markii ay soo gabagabaysay haweenaydii reer galbeed hadalkeedii ayay dadkii siminaarka qaadanayay oo dumar u badnaa ku tidhi yaa wax su,aal ah qaba?
Hooyo ka mid ah dadkii siminaarka u yimi ee dhegaysanayay ayaa farta taagtay oo tidhi anigaa su,aal qaba. , waxaana dhex martay doodan xiisaha badan..
Hooyii soomaaliyeed ayaa ku tidhi: Adigu nin ma leedahay ?Habartii reer galbeedka ahayd waxa ay ku jawaabtay Maya!
Hooyadii soomaaliyeed ayaa hadalkii ku noqotay oo tidhi adigaaba xuquuqdaadii maqan tahay oo u baahan cid kula raadisa.iyada oo hadalkeedii sii wadata ayay ku tidhi, anigu nin baan leeyahay ,caruurna waan leeyahay,caruurtayduna caruur bay leedahay ,dhaxdintayda iyo dhalashadayda labadaba waa la yaqaanaa .
ADIGANA NINKII KU GUURSAN LAHAA NIN KALAA QABA, EE LABADEENA KEEBAA XUQUUQI KA MAQAN TAHAY?????????????
Habartii inta ay boorsadeedii halhaleel ku qaadatay ayay sidii shaydaan la naaray albaabka ka booday hawshiina halkaa ayay ku soo gabagabawday.

W/Q Sheekh C/laahi Baashe
Hargeysa, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online