Sheekh Yuusuf Aden oo wacdi ka jeediyay Masjidka isbahaysiga islaamka

July 5, 2013 - Written by Editor

YuusufMuqdisho:-Sh.Yuusuf Aden Maxamed oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliyeed kana soo qayb galay shirweynihii 18aad ee jamaacada al ictisaam Bilkitaab Wassunah ayaa tacliiq kooban ka jeediyay khudbaddii jimcaha ee maanta laga akhriyay masjidka isbahaysiga islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyntii wuxuu sheekhu ka hadlay  ujeeddaeddada loo soomayo bisha ramadaan wuxuuna tilmaamay in ay tahay in  la kasbado alle ka cabsi sida ilaahay quraanka ku sheegay ياءيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون Sidoo kale wuxuu sheekhu sheegay in soonka laga baranayo shukri iyo in ilaahay loo mahad celiyo ولعلكم تشكرون

Wuxuuna sheekhu sheegay in soonka caafimaad laga helayo, laguna xusuusanayo dadka masaakiinta ah ee aan heli karin wax ay cunaan ee gaajadu ku raagtay, dadka wax haystana waxay dareemayaan xanuunka gaajada si ay ugu damqadaan walaalohooda gaajeysan oo ay wax ugu taraan.

Sheekhu wuxuu sheegay in lagu soomayo bisha aragtideeda laguna afurayo, wuxuuna sheegay  in Qofka soonku ku waajibayo uu yahay qof muslim ah, qaangaadh ah, caafimaad qaba safarna aan aheyn oo karaya soonka,  wuxuuna sheegay in dadka cudur daarka leh qaarkood soonku ka asaxayo haddii ay somaan sida qofka da, da weyn ama safarka ah, qaar kalana aanu ka asaxaynin sida haweenta caadada qabta.

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu soo jeediyay su, aal aha : maxaa la inaga rabaa bilashada bisha Ramaad ka hor ? Wuxuuna sheegay in waxa ugu muhiimsan ee la inaga rabo ay tahay inaan ilaahay u towab keenno, inaan dunuubtii faraha kala baxno, ka murugoonno, oo aan go, aan ku gaadhno ineynaan dib ugu noqonin, sidoo kale waa in uu qofku hagaajiyo wixii uu kharribay, towbaddna waa in  ikhlaas weheliyo, ayna towbaddu dhacdo xilli ayna towbaddu xidhnayn, wixii xaq aadane ahna waa inuu qofkii lahaa u celiayaa.

Dadweynihii soo camiray Khudbadii Jimacaha ee Masjidka isbahaysiga islaamka ayaa si wanaagsan uga faa,ideystay Sheekh Yuusuf Aden Maxamed ilaahay ha dhowree.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online