Diyaaradii siday Meydka Boqor Cabdullahi Boqor Musse oo gaartay Qardho

July 7, 2013 - Written by Editor

IMG_4712Qardho:-Waxaa goordhow soo caga dhigatay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar Diyaaradii siday Meydka Boqor Cabdullahi Boqor Musse waxaana garoonka ku sugayey Masuulin ka tirsan Puntland ,J/land iyo qaraabada alaha u naxariistee Boqor Cabdullahi Boqor Musse.

Meydka Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Musse ayaa hada waxaa loo qaaday Qabuuraha magaalada Qardho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dadweyne aad u badan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ,Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe  iyo wafdi ka socda  maamulka Soomaalida Itoobiya .

Waxaa sidoo kale aaska Boqor Cabdullahi Boqor Musse ka soo qeyb galay Isimada ,Waxgaradka ,Nabadoonada Puntland iyo salaadiin kale oo ka timid gobalad dalka Soomaaliya.

Amaanka magaalada Qardho ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana la adkeeyey isku socdka magaalada Qardho ,waxaa kale oo Degmada Qardho soo buuxdhaafiyey masuliin ka tirsan labada gole ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online