Labo shaqaale oo ka tirsan hay’adda UNODC oo lagu dilay Garoonka diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo
April 7, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Labo ka mid ah shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee loo soo gaabiyo UNODC ayaa maanta lagu dilay gudaha garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo Cabdi Siciid Dhaga-weyne oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey dilka labo sarkaal oo ka tirsan hay’adda UNODC waxaana uu sheegay in dilka uu geystay askari ka tirsan ilaalada garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo
Cabdi Siciid Dhaga-weyne Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa sheegay in labada sarkaal ee la dilay ay ku sii jeedeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana uu intaas ku daray in ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkayo ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay.
Ilaa haatan lama oga sababta uu askariga ka tirsan ciidanka Puntland u dilay labada sarkaal ee u shaqeynayey hay’adda UNODC
Wixii Faahfaahin ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net