Madaxwayne Puntland oo guddi u saaray 2 Sarkaal ee Gaalkacyo lagu dilay
April 8, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ayaa saaka waxaa uu tegay Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee Magaalada Gaalkacyo si uu uga qayb qaato munaasabad lagu qaadayey meydkii labo sarkaal oo shalay lagu dilay garoon ka diyaaradaha ee Gaalakacyo.
Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa saaka ka soo degay diyaarada khaas ah oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Xafiiska UNSOM si loo qaado meydka Saraakiisha shalay la dilay iyadoo aad loo adkeeyey amaanka garoonka.
Garoonka diyaaradaha C/llaah Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiliga la qaadayey meydka saraakiisha la diliay waxaa ku sugnaa garoonka Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa u saaray in ay baaraan sababta loo dilay shalay saraakiisha u shaqaynayey UNODC gudi heer wasiiro ah si loo ogaado xaqiiqda dhabta ah waxaan gudigaas ka mid ahaa Wasiirka Amniga Puntland,Wasiirka waxbarshada, taliyaha Ciidanka Booliska Puntland iyo taliyaha Ciidamada PIS-ta.
M_M_Deeq
Halgan.net