SomaliTalk:- Muranka xadeynta badda ee loo gudbiyay Maxkamadda Hague
September 1, 2014 - Written by EditorSida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP maalintii shalay (August 28, 2014), Soomaaliya waxay maalintii khamiista weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la wadaagto waddanka Kenya.
Sida warku sheegay, codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah waxay ku sheegtay ” in labada waddan ay isku afgaran-waayeen halka ay mareyso xuduudda badda ee u dhaxeysa, ayadoo labada waddanba ay sheeganayaan dhul-badeed isku mid ah”.
Warkaan culus ee saameynta ku yeelan doona aayaha dambe ee dhul-badeedka Soomaaliya, ayaa wuxuu durbaba sababay dareen diidmo ah oo ay ka muujiyeen waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxayna aqoonyahannadu aad uga digeen halista ka imaan karta arrinkaan haddii aan shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaankoodu go’aan degdeg ah oo diidmo ah kala hor imaannin.
Sidoo kale waxaa Agoosto 28, 2014 website-ka maxkamadda adduunka ee Hague lagu daabacay warsaxaafadeed ay maxkamaddu ku cadaynayso in Soomaaliya ay dacwaddaas ku saabsan badda u soo gudbisey. Halkan ka akhriso
Faafin: Halgan.net
SomaliTalk.com