Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed oo xalay muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-hidaaya ee Nairobi.[Daawo]
September 1, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed oo booqasho gaaban ku jooga magaalada Nairobi, ayaa xalay waxa uu masaajidka Al-Hidaaya ka jeediyey muxaadaro uu uga hadlay tilmaamaha lagama maarmaanka u ah qofka daaciga ah ee diinta ku baaqaya:-
1) In qofku diin sheegidda ay ka tahay Illaah dartii.
Sheekha ayaa qodobkaan sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey, isagoo xusay haddii tilmaantaas meesha laga waayo ayan waxba hagaageynin, wuxuuna intaas ku daray in qofka tilmaantaas leh ay jiraan waxyaabo lagu garan karo.
2) In qofka laga doonayo inuu cilmi u leeyahay diinta uu dadka ugu baaqayo.
Sheekha ayaa qodobkaan sidoo kale ku dheeraaday, wuxuuna carrabka ku dhajiyey iney lama huraan tahay in dadka diinta loo sheegayo iyo xaaladdooda uu daacigu daraaseeyo.
3) In qofka daaciga ah uu leeyahay xikmad.
Qodobkan ayuu sheekhu sheegay inuu muhiim u yahay qofka dadka kheyrka u sheegaya, isagoo tusaalayaal wax badan lagu fahmayo dadkii dhageysanayey u sheegay.
4- In qofka daaciga ah uu adkeysi leeyahay.
Sh. Cabdinaasir ayaa sheegay in adkeysigu aad muhiim ugu yahay qofka daaciga ah, wuxuuna tusaalayaal cad-cad ka soo qaatay qur’aanka iyo sunnada.
Muxaadarada sheekha ayaa waxaa dhageysanayey dad-weyne badan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ah, iyadoo sidoo kale dad badan ay kala socdeen qalabka warbaahinta.
Hoos ka Daawo sifaatka laga doonayo daaciga Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed.
Halgan.net